5379 Fire action (Somali)

Waxqabadka

Dabka

Haddii aad ku aragtid dab gurigaaga ama meel kale oo ka mid ah dhismaha, wac Waaxda Dab -damiska oo u sheeg dadka kale haddii ay sidaas nabad tahay.

Haddii gurigaaga dab ka holcayo ama qiiq soo gelayo, bax oo hubi inaad albaabka xirtid markaad baxaysid.

Haddii aad joogto guriga ama aagga la wadaago marka alaarmiga dabku dhawaaqo, waa inaad isla markiiba ka tagtaa dhismaha meel ammaan ah.

Ha ku soo noqon gurigaaga.

Si aad uga baxdo dhismaha waxaad isticmaashaa ka bixitaanka kuugu dhow adiga oo raacaya calaamadaha ka bixitaanka dabka, xira dhammaan daaqadaha iyo albaabada gadaashaada.

Haddii uu qiiq badan yahay, ku gurguurta sagxadda halkaas oo hawadu ka caddaan doonto.

  1. HA QAADIN halis.

  2. HA ku soo laaban dhismaha ilaa ay ammaan tahay in sidaas la sameeyo.